Somali News

Doorashadda ugu dheer, uguna weyn aduunka oo gaartay heer gaban-gabo ah

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendara Modi ayaa xusul duub kii ugu dambeeyay ugu jira in uu xisbigiisu helo kuraas aqlabiyad ah, iyadoo la gaaray wajigii ugu dambeeyay doorashooyinka guud ee Dalka.

Xisbiga Modi ee BJP iyo xisbiga ugu weeyn mucaaradka ayaa ku hardamaya iyagoo awoodo aan kala fogeyn ku leh goboladda ay doorashooyinku ka dhacayaan, Dadka siyaasadda taxliiliya ayaana rumeeysan in ay aad isugu dhowaan doonaan.

Dad badan ayaa u arka doorashadaan in ay afti u tahay Ra’iisul wasaare Modi oo 2014-kii aqlabiyad ku guuleeystay.

Natiijadda Doorashadda ayaa lagu dhawaaqi doonaa 23-ka Bishaan May taasi oo soo gaban-gabeyneeysa Lix todobaad oo cod bixin ah iyo olole waqti dheer qaatay.

Doorashadda maanta ayaa waxaa lagu soo dooran doonaa 59 kursi meelaha ay ka dheceeysana waxa ka mid ah Magaaladda Varanasi oo ah magaalo dadka Hindiya ay rumeeysanyihiin in ay barakeysantahay, sidoo kale waxaa doorashadda lagu soo gaban-gabeyn doonaa gobolka Woqooyiga ku yaala ee Uttar Pradesh.