Somali News

Doorasho baarlamaani ah oo ka bilaabatay dalka Masar

Qaahira-KNN-Doorasho baarlamaani ah ayaa ka bilaabatay dalka Masar ayadoo lasoo dooranayo xildhibaanadda aqalka hoose ee dalkaas.

Doorashadaan oo noqonaysa tii ugu horeysay ee dalkaas ka dhacda sanadkaan aad ayaa isha loogu hayaa.

Musharaxiinta u taagan kuraasta baarlamaanka oo gaaraya in ka badan 4 kun oo ruux waxaa laga dooran doonaa 596 xildhibaan.

Liiska musharaxiinta u taagan inay ku fariistaan kuraasta baarlamaanka waxay u badan yihiin xisbiyada taageersan m/weynaha talada haya ee C/fitaax Casiisi.

Natiijadda doorashadaan maanta ka bilaabatay dalka Masar waxaa la shaacin doonaa bartamaha bisha December ee sanadkaan.