Somali News

Doorasho Baarlamaani ah oo looga Dareeray Dalka Ukrain.

Muqdisho-KNN-Waxaa lafuray dhamaan goobaha cod bixinta ee dalka Ukrain si dadku ay usoo doortaan Baarlamaanka cusub ee dalkaasi.

Volodymyr Zelensky oo horay u ahaa majaajiliiste ayaa noqday madaxwaynaha cusub ee dalka Ukrain bishii April.

 Balse Volodymyr Zelensky ayaana illaa iyo haatan awood u yeelan in uu soo magacaabo golaha wasiirada ee uu doonayo.

Mr Zelensky ayaa doorashadani ugu dhawaaqay si deg deg ah kadib markii loo dhaariyay xilka madaxwayninimo ee dalkaasi.

Xisbiga haya talada dalka Ukrain ayaa lafilayaa in si dhib yar ay ugu guulaystaan doorashada Baarlamaaniga ah ee maanta halkaasi kadhacaysa.

Madaxwaynihii hore ee Ukrain Petro Poroshenko, ayaa Mr Zelensky ku tilmaamay mid aanan awood u lahayn soo dhisida dowladda awood badan.