Somali News

Doorasho cabsi xoogan ku bilaabatay oo ka soconaysa dalka Afghanistan.

Muqdisho-KNN-Waxaa dalka Afghanistan ka soconaysa doorashada madaxtunimo taas oo kalinkii hore ee maanta ku bilaabatay cabsi ay cod bixiyaashu ka qabaan dhanka amniga.

In kabadan 70,000 oo ciidamada amaanka ah ayaa la hawlgaliyay, xilli ururka Taliban ay ku hanjabeen in ay weerari doonaan goobaha cod bixinta.

Doorashada ayaa markii labaad dib loo dhigay kadib markii uu bur buray wadahadaladii nabadda ee u dhaxeeyay kooxda Taliban iyo dowladda Mareykanka.

Labada musharax ee ugu cad cad doorashada ayaa kala ah madaxwaynaha haatan talada haya ee Ashraf Ghani iyo madaxa fulinta Abdullah Abdullah. Kuwaas oo awood qaybsi lagu dhisayo dowlad wadaag ah gaaray sanadkii 2014’kii.

Wax yar kadib markii ay bilaabatay cod bixinta waxaa jirtay in qarax xoogan laga maqlay goob ay dadku codkooda ka dhiibanayeen oo ku taala koonfurta magaalada Kandahar, halkaasi oo lasheegayo in ay ku dhaawacmeen 16 qof.

Afhayeenka gudiga madaxa banaan ee doorashada Zabi Sadaat ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in doorashado ay ka bilaabatay dalka oo dhan isagoona intaasi raaciyay in ay ku farax sanyihiin in dad badan ay saf dheer ugu jiraan goobaha cod bixinta.