Somali News

Doorasho ka bilaabatay dalka Burkina Faso xilli ay jirto cabsi amni oo weyn

Muqdisho-KNN-Dadka wadanka Burkina Faaso ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay usoo doortaan madaxweyne uu dalkaasi yeesho, ayadoo ay jirto cabsi ka dhalatay weerarada kooxaha hubeysan ee Al-Qacida ku xiran ay ka geystaan gudaha dalkaas.

Musharaxiinta oo uu ka mid yahay madaxweynaha talada haya  Roch Marc Christian Kaboré, oo doonaya inuu mar kale soo laabto ayaa ololahooda soo gabagabeeyay xalay xilli dambe.

Illaa 12 musharax oo kale ayaa madaxweyne Kabore kula tartamaya doorashada maanta ka bilaabatay dalka Burkina Faso oo ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika.

Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso, Blaise Compaoré oo dalkaasi ka maqan kana cararay sanadkii 2014-kii markaas oo lagu kacay ayaa ka mid ah musharaxiinta hadda doonaya inay xilka qabtaan.

Qiyaastii 400 oo kun oo ruux oo horay isku diiwaan geliyay ayaan hadda codeynayn sababo la xariira cabsi ay ka qabaan kooxaha hubeysan ee dalkaas ka dagaalama.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, inkastoo meelaha qaar aysan doorasho ka dhaceyn cabsida jirta awgeed.

Weeraradii ugu dambeeyay ee dalkaas ka dhacay waxaa uu sababay in hal million oo qof ay guryahooda ka barakacaan.