Baydhabo-KNN-Waxaa maanta la filayaa in Magaalada Baydhabo eeGobalka bay ay ka dhacdo doorashada Madaxtinimada ee Maamulka koofur galbeedSoomaaliya.
Ku dhawaad Shan musharax ayaa u tartamaya xilkaMadaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, iyadoona Maalmo ka hor Barnaamijsiyaasadeedkooda ay ka horjeedeen Baarlamaanka Maamulkaasi.
Magaalada Baydhaboayaa xalay waxaa ka soconayay kulamo gooni gooni ah oo ay sameynayaanMusharixiinta Maamulka Koofur Galbeed, islamarkaana waxaa ayna la qaadanayeenBaarlamaanka Maamulkaasi.
MusharixiintaMaanta Tartamaya ayaa ka mid ah:-
1.C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).
2. SayidMaxamed Ibraahim Daahir
3. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)
4. Ibraahim Macalin Nuur
5. Xuseen Cusmaan Xuseen.
Amaankamagaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamoisugu jira itobiya, kuwa Booliska Soomaaliya, mana jiro dhaq dhaqaaq Ganacsi ooka socda Magaaladaasi.
Doorashadamaanta ka dhacaysa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka maqan Mukhtaar Roobow kadibmarkii dhawaan ay ciidamada itoobiya ka soo qabteen Magaaladaasi, islamarkaanaay ku wareejiyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya.