Somali News

Doorasho maanta ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Galmudug waxaa saakay lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkisa ee degmada Gaalkacyo.

Dorashadaan ayaa la filayaa inay bilaabato sacadaaha soo socda, waxaana qofkii xilkaas ku guuleysta uu nqonaya duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug.

Xilka guddoomiyaha degmada Gaalkacyo waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah, Cabdiraxmaan Sheekh Jimcaale iyo Cabdifitaax Barre.

Wasaarrada arrimaha gudaha Galmudug ayaa dhawaan shaaca ka qaaday liiska xubnaha golaha degaanka ee degmada Gaalkacyo.

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa ka kooban 27-xubnood, waxaana la dhaariyey maalin ka hor, waxayna Gaalkacyo noqotay magaaladii ugu horreysay Galmudug ee yeelata gole deegaan.