Somali News

Doorasho maxali ah oo ka bilaabatay dalka UK

Guud ahaan boqortooyada UK waxaa ka bilowday doorashada maxaliga ah ee dalkaasi.

Goobaha cod bixinta ee doorashada golaha deegaanka iyo tan gobolada ayaa lafuray xilli uu cadaadisku kusii kordhayo RW Boris Johnson.

Meelaha laga filayo in doorasho taariikhi ah ay ka dhacdo waxaa kamid ah waqooyiga Ireland, halkaas oo ay dad badan saadaalinayaan in ay kasoo bixi karaan natiijooyin aanan farxad galin hogaamiyaha Britain.

Johnson oo 57 sano jir ah ayaa ku guulaystay doorashadii 2019 taas oo u sahashay in ay iskaga baxaan Midowga Yurub.