Algaris KNN: Dadka wadanka Aljeeria ayaa maanta soo dooranaya xildhibaanada
baarlamaanka dalkaas ayadoo mucaaradkuna diidanyahay.
Doorashadaan oo ay u tartamayaan in ka badan kun musharax ayaa dadku
safaf dhaadheer u galeen xarumaha cod bixinta loogu talo galay si u soo
doortaan 407 mudane oo ah xildhibaanada golaha shacabka ee dalka
Aljeeriya.
Inta badan musharaxiinta tartamaya ayaa si madaxbanaan usoo baxay
Xisbiyada waa weyn ee mucaaradka ah ayaa diiday inay musharaxiintooda
doorashadaan ka qeyb galaan waxaana ay dawladda ku eedeeyeen inay ku
shubanayso.
Natiijada doorashada maanta ka bilaabatay dalka Aljeeriya ayaa lagu
dhawaaqi doonaa maalinta Isniinta ah.


