Somali News

Doorashooyinka golaha deegaanka iyo wakiilada Soomaaliland oo maanta ka bilowday deegaanada Soomaaliland

Hal milyan shan iyo lixdan kun sideed boqol iyo todoba iyo afartan qof ayaa saaka u dareeray inay doortaan mudanayaasha ku metelaya golaha wakiilada iyo deegaanka Somaliland.


Codbixiyayaashu waxaa ay kala dooranayaan todoba iyo sideed iyo sagaashan musharax. 552 waxaa ay u tartamayaan golayaasha deegaanka ee 23 degmo. 246 musharaxna waxaa ay u tartamayaan golaha wakiilada oo ah 82kursi.

Waa doorashadii u horeysay ee mar la wada doorto golayaasha deegaanka iyo wakiilada oo isa saaran. Haweenka u sharaxan golayaasha deegaanka iyo wakiiladu waa soddon. 17waxay u sharaxanyihiin golayaasha deegaanka,13ka kalena waxaa ay u tartamayaan kuraasta wakiilada.


Laba kun todoba boqol iyo sagaal goobood ayaa codbixiyayaashu ka dhiibanayaan codkooda. 11kun oo ciidamada milatariga, booliiska, asluubta iyo kuwa bada ayaa heegan loo galiyay sugida amniga. 21kun oo shaqaale ah ayaa ka howlgalaya goobaha codka lagu dhiibanayo.


Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhiya oo indhaha caalamka soo jiidatay. Wuxuu xusay in 100/80 kharashka doorashada ay bixisay xukuumadu.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay si nabad ah ku codeeyaan oo ay ka fikiraan musharaxiinta ku meteli doona golaha deegaanka iyo wakiilada

Tiro ka badan boqol kun ayaa ka codeynaysa gobolka Sool oo sanadkan toos usoo dooran doona mudanayaasha wakiilada. 2005 xildhibaanada ku metelaya baarlamaanka waxaa lagu soo doortay is xambaar. Dhalinyarada ayaa ah dadka ugu badan ee codkooda dhiibanaya. 75% oo lagu qiyaaso dhalinyarada dadka ku nool Somaliland ayaa markii u horeysay fursad u helaya inay fartooda ku xushaan mudanaha ku metelaya baarlamaanka. Dhalinyarada waxaa codeynaya kuwa dhashay markii la doortay baarlamaanka hadda baneeyay kuraaska baarlamaanka oo muddo 16sano ah fadhiyay.


Somaliland oo 26 doorasho degmo waxaan sanaduuq la geyn oo aanay dadku codeyn doonin saddex degmo oo kala Badhan, Dhahar iyo Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag. Deegaanadaasi waxaa aan gaadhin maamulka Somaliland.
Codeynta ayaa sanadkan ka adag kuwii hore taasi oo qofku sito kaadh sawirkiisu ka muuqdo oo ay adagtahay inuu marar badan codeeyo.


Madaxwaynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada ayaa mar dhow ka codeyn doona hoolka haayada shaqaalaha dowlada.


In ka badan boqol kormeere oo caalami ah oo u badan safiirada reer galbeedka u fadhiya Soomaaliya, madaxwaynayaal hore iyo dublamaasiyiin ayaa kor joogteyn doona habsami u socodka doorashadan oo socon doonta muddo 12saacadood ah oo ku beegan lixda fiidnimo ee maanta.