Muqdisho-KNN-Doorashada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta si habsami leh uga socoto Magaalada Baydhabo Ee xarunta Kumeelgaarka ah ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya,iyadoona ilaa hadda la doortay labo xubnood oo kamid ah shan xubnood oo maanta halkaasi lagy dooranayo.
Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) ayaa ugu horeeyntii ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-175 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod waxaana gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed shegeen in ay halaabeen 3 cod.
Dhanka kale Maxamed Bare Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-158 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 72-cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdulaahi Maxamed Isaaq uu heley 23-cod halka ay halaabeen 5 cod.
Doorashadda ayaa wali socoto waxaa labadaani kursi qeeyb ka yihiin 5 kursi oo maanta lagu waddo in magaalada Baydhabo lagu doorto maanta.

