Somali News

Dorashooyin madaxtinimo oo ka bilaabatay Afganistaan

Muqdisho-KNN-Codeyn loogu talagalay dorashada madaxtinimo ee dalka Afanistaam ayaa ka bilaabatay dalkaasi, iyadoo ay jiraan cabsi sababtay in la adkeeyay ammaanka guud.

Tobanan kun oo ciidamo ah ayaa la dhigay ama la geeyay gebi ahaan magaalooyinka dalka Afganistaan,si ay uga hortagaan kooxda Taalibaan oo wacad ku maray in ay bartilmaameedsanayaan xarumaha la dhigay waraaqaha codeynta.

Doorashooyinkaan oo laba mar dib u dhacay ayaa haatan dhacaya,ka dib kolkii wadahadaladii nabadda ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taalibaan uu burbur ku yimid horaantii bishaan.

Labada musharax ee ugu muhimsan ayaa ah madaxweyne Ashraf Ghani,iyo  madaxii fulinta Abdullah Abdullah,kuwaas oo sanadkii 2014-kii dhisay dowlad awood qeybsi ah.