Somali News

Dowlad D/Soomaalida & Galmudug oo heshiis dhanka Amniga ah gaaray

Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwo dowlad goboleedka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sii xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilli Dowlad Deegaanka ay toddobaadkan wajahaysay duullaan Al Shabaab soo qaadday .

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Beddel Xiis oo ah la taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in iyaga Galmudug ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, Al -Shabaab ayaa dhawaan weerarro ka geystay deegaanka Caato ee gobolka Bakool, wuxuuna mid kale oo iyaga iyo ciidamada Dowlad Deegaanka u dhaxeeyay uu ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer.

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimcihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

Itoobiya waxay sheegtay inay dishay ku dhawaad 200 oo ka tirsan Al Shabaab, balse kooxdaas dhankeeda iyana waxay sheegtay in ka badan 100 askari In ay dagaal ku dhishay.

Wararkiika ka imaanaya deegaan Caato iyo kuwii kale ee lagu daaalamay ayaa sheegaya in iminka xaaladu ay degan tahay, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo ay wadaan dhinacyadii dagaalamay ee Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab, iyadoo taasi ay barbar socdaan iskaashiga amni ay mas’uuliyiinta amniga Dowlad deegaanka ay la sameenayaan maamulada ku xeeran sida Puntland iyo Galmudug.