Muqdisho-KNN-Dowlada Burtaqiiska ayaa ku dhawaaqday seddax cisho oo baroor diiq Qaran ah taasoo oo bilaaban doonto Isniinta soo socoto oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 30-ka July, markaas oo lasoo gaba-gabayn doona howlaha baaritaannada iyo aaska Dadkii ku dhintay shilkii Diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi.
Wasiirkii Beeraha ee Dalka Paraguay, Luis Gneiting , ku xigeenkiisa iyo Laba Qof oo kale ayaa ku geeriyootay shil Diyaaradeed oo Shalay ka dhacay duleedka Magaalada Ayolas ee Dalka Paraguay.
Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay ku xigeenkiisa, Vicente Ramirez , Duuliyihii Diyaaradda Gerardo Lopez iyo Luis Charotti, oo ka mid ahaa rakaabka, kuwaas oo dhammaantood ku Naf waayay shilka .
Madaxa hay’adda duulista Hawada ee Dalka Paraguay, Luis Aguirre, ayaa Idaacadda Qaranka ee Waddankaasi u sheegay in qaar ka mid ah bur-burkii Diyaaradda laga helay goor hore meel 6-km ama (3.72 miles) u jirta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Ayolas, ka dib baaritaan socday 14 Saacadood.


