Somali News

Dowlada Dhexe oo laga dalbaday in ay Jawaab ka bixiso Xariga Roobow iyo dhibaatadii Baydhabo

Muqdisho-KNN-Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Hysom ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray waxaa uu uga hadlay aarrimo ku saabsan Xarigga Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur iyo hab dhaqankii Ciidanka Amaanka xilligii ay socdeen muharaadyadii ka dhacay Baydho.

Warqadda QM ayaa waxaa ay ku qotontaa dhacdooyinkii Baydhabo ka dhacay 13kii 14, iyo Shan iyo Tobankii Bishii December ee Sanadkii hore, xilligaas oo diyaar garoowga Doorashadii uu kusoo baxay Cabdi casiis Xasan MAxamed ay ka socotay Magaaladda Baydhabo.

Nicolas Hysom ayaa qoraalkiisa waxaa uu ku bilaabay in sababta uu u qaray warqada ay tahay Walaac kasoo laabtay Siyaasadda Xuquuqda aadanaha ee QM, kaasi oo ay ku luglahaayeen Ciidanka Amaanka Soomaaliya ee  ay taageerto. Iyagoo  sidoo kalena ku lug lahaa 15 Qof oo la dilay ugu yaraan 2 la dhaawacay iyo ku dhawaad 300 oo ruux xirnaa in ka badan mudda sharcigu qabo ee ah 48 saac, iyadoona wax eed ahna aan lagu soo oogin.

Waxaa uu sheegay in Qaraarka QM ee waqtiga siinaya UNSOM iyo AMISOM ee Taageera Ciidanka Soomaaliya uu ku luglaa Ciidanka in ay si adag ugu hogaan samaan Xuquuqda aadanaha ee Xerka QM ku xusan.

Haysom waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Ciidan Booliis iyo Military isugu jira oo Baydhabo ka Howgala ay si toos ah QM u taageerto, tabar ahaan iyo saanad ahaanba.

Wakiilka QM ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu warqad ka helay Midowga Europe Germany iyo UK,  taasi oo ku taariikheysneeyd 21kii December ku sheegeen in ay joojinayaan Taageradda ay siiyaan Booliiska Maamulka Koofur Galbeeed Soomaaliya sababtoo ah sidii ay u dhaqmeen xilligii doorashadda.

Hysom waxaa uu shaaca ka qaaday isagoo xiganaa ilo la lagu kalsoonaan karo  in Ciidanka AMISOM ee jooga Baydhabo gaar ahaan kuwo Itoobiya ay ka qayb qateen Xarigii Mukhtaar Rooboow, islamarkaana meeshii mukhtaar lagu xiray ay joogeen Taliyaha Booliiska Koofur galbeed  iyo Agaasimaha Nabad sugidda.

Waxaa xusid mudan in Howlgalka AMISOM warqad  uu soo saaray 15 December uu ku beeniyay in ay ka qayb qaateen Xarigii Mukhtaar Rooboow.

Mar uu ka hadlay Warkii Wasaarada Amniga gudaha ay ka soo saartay Xarigga mukhtaar rooboow ee ay ku sheegtay in uusan wali u hogaansamin Shuruudihii horyaalay ayuu sheegay in haddii ay sidaas tahay in Shaciga Soomaaliya loo eego ay tahay Dambi culus.

Wakiilku waxaa uu si kulul uga hadlay hab dhaqancii Ciidabka Booliiska Soomaaliya ee keenay in ay dhintaan Dad gaaraya 15 ruux islamarkaan ay la xiro Dad ku dhow 300 oo uu sheegay in Caruur badan ka mid ahaayeen.

Waxaaa uu soo jeediyay Su’aalo badan oo Dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay ka jawaabto.

1 Muxuu yahay Sharciga lagu saleeyay Xariga Muqtaar ee Baydhabo?

2 Ciidamada ka tirsan kuwa Amaanka Soomaaliya ee xarigga fuliyayay iyo haddii taageero laga dalbaday ama laga helay AMISOM ama Itoobiya?

3 Maxay ahaayeen Shuruudaha Mukhtaar Rooboow Cafiskiisii lagu xiray ee ay ahayd in uu u hogaansamo?

Maxay yihiin Talaabooyinka la qaatay si uu usii xirnaado wax ka badan 48 saac ee sharcigu qabo?

Suaalaha kale waxaa ka mid  ah.

1 ficil nuucee ah ayaa la qaaday si loo baaro geeridii ka dhalatay mudaharadyadii dhacay 13 kii ilaa 15 kii deccember.

Ciidamadee ka jawaabay Mudaaharaadyada ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Lama oga Jawaabta ay ka bixin doonto Dowlada Federaalka Soomaaliya.