Somali News

Dowlada Dhexe oo laga dalbaday in Xuquuqdooda la siiyo Booliska Cadaado.

Muqdisho-KNN-Dhamme Cali Cabdi Cismaan Cali oo ah Dambibaaraha Saldhiga Booliska Degmada Cadaado Oo la hadlay KNN ayaa Sheegay in weli Uu Xiranyahay Saldhiga Booliska Degmadaasi

Waxaa uuna Madaxda dowlada Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in si deg deg ah xuquuqdooda loo siiyo  askarta ka howlgasha saldhiga degmada cadaado ee Gobalka Galgaduud, isagoona sheegay in weli uusan shaqeynin Saldhiga , xili xaalad adag ay haysato askarta ku sugan saldhigaasi.

Dhawaan ayay aheyd Markii Ciidamo Gadoodsan ay Joojiyeen Shaqooyinka Ka socday Taliska Booliska Degmada Cadaaado ee gobalka Galgaduud, Iyadoona Taasi ay sameeyn ku yeelatay Howlaha Shaqo ee Saldhigaasi.

Mana Jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka Galmudug iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya,kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan Cabashooyinka ay sheegayaan Askarta joojiyay Shaqada Saldhiga Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.