Uncategorized

Dowlada Fedraalka oo go’aan ka soo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee Hirshabeelle

Muqdisho–KNN–Dowlada fedaraalka ee Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee maamul goboleedka Hirshabeelle.

Kullan ay yeesheen golaha wasiirada dowlada fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxa lagu lafa guray xil ka qaadistii ay baarlamaanka Hirshabeelle ku sameeyeen madaxwaynaha maamulkaasi Cali Cabdullahi Cosoble.

Ka dib shirka golaha wasiirada ayaa waxa go’aankii ay gaareen golaha wasiirada saxaafada u aqriyay wasriirka arrimaha gudaha ee dowlada fedaraalka Cabdi Faarax juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in ay tixgalinayaan go’aankii ay gaareen baarlamaanka Hirshabeelle ee ay xilka kaga qaadeen madaxawyanha maamulkaasi Cali Cabdullahi Cosoble.

Wasriirka arrimaha gudaha ee dowlada fedaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax juxa ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in doorashada madaxwaynaha Hirshabeele lagu qabto muddo 30 maalmood gudahood ah laga soo bilaabo 14 bishan oo ahayd markii ay baarlamaanka Hirshabeelle gaarin go’aanka xil ka qaadista.