Uncategorized

Dowlada Indonesia oo ka walaacsan Qaxootiga ku sii qulqulaya Dalkeeda oo ay ku jiraan Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Indonesia ayaa sheegtay in dhowrkii sano ee lasoo dhaafay dalkeeda ey gaareen ku dhawaad 14kun oo qof oo  ka kala yimid 54wadan oo caalamka ku yaalla.

Dadkan ayaa waxa la sheegay in ey ku jiraan tiro aan yareeyn oo soomaaliya kuwaa oo ujeedkoodu yahay in ey tahriibaan ku galaan wadanka Australlia oo xuduud badeed la wadaaga Indonesia.

Qaxootigan ayaa warbixin ay kasoo saartay hayada qaramada midoobe uqaabilsan qaxootiga ee UNHCR ey siweyn ugu deeyrisay noloshooda.

Waxa eyna hayadu intaa ku dartay in dadkan oo intooda badan ey sugayaan in dib udajin loogu sameeyo wadamada mareeykanka iyo Australlia xillganna ey  dhibaato badan ku heeysato Indonesia eysanna muuqan cid uheelan oo dib udajinna usameeneeysa.

Gabar Soomaliyeed oo lagu magacaabo Siham Ahmed oo qaxootigan kamid ah ayaa koox xogdoon aheed oo UNHCR ka socotay usheegtay In Iyada wiilkeeda oo lagu magacaabo Ahmed Aweys oo soomaaliya kasoo socdaalay ey Labadii Sano ee lasoo dhaafay seexanayeen Wadooyinka ama gidarada magaalada caasimadd ah ee Jakarta.

Xaalad murugsan ayaa lasoo sheegaya iney ku jiraan qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan wadankaasi kuwaa intooda badan tahriib ku tagay waxa eyna kamidyihiin kumanaan soomaali ah oo dunida dacalaeeda ku dhibaatoonaya.