Uncategorized

Dowlada Ingiriiska oo dad hor leh u soo qabatay dilkii London loogu geytay wiil Soomaaliyeed.

Muqdisho-KNN-Booliiska wadanka ingiriiska ayaa xaqiijiyay in Sadax nin loo heeysto eeda laxariirta dil wiil Soomaaliyeed loo gu geeystay Xabsi ku yaalla gudaha Magaalada London, Wiil kaas ayaa lagu magacaabaa Khadar Saalax, waana dilay Maxaabiistii uu kala Xirnaa Xabsiga Wormwood ee Magaalada London, dilkuusuna wuxuu dhacay 31 kii Bishii lasoo dhaafay ee sanadkaan.

Nin Afaraad loo xiray Tuhun la xiriira in uu dilka ka qayb qaaday ayaa waxaana ku socda baaritaan sida ay warisay wargeyska dalkaas ka soo baxa ee Daily mail.

Sadaxda kale ee loo heeysto in  ay dilka ka dambeeyeen ayaan Maxkamad lasoo taagay, waxaana ragaan ay la xirnaayeen Khadar Saalax oo Toorey lagu Dhuftay 7 jeer.

Maxkamadii la horgeeyay ayaa Markale dacwadooda balamisay talaadada Soosocota oo ay tariiqdu ku beegantahay 6-da Feebaraayo.