Uncategorized

Dowlada Ingiriiska oo maamulka Koofur Galbeed ka caawineysa la dagaalanka Al-shabaab

Baydhabo-KNN-Xubno ka socda dowlada Ingiriiska ayaa shalay la kulmay ku simaha madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi kaas oo xubnahaan kula kulmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Waxay kawada hadleyn arimo kala duwan oo ay ugu horeyso sidii maamulka Koofur Galbeed loogu caawin lahaa dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Xubnahaan ka socda dowlada Ingiriiska ayaa u balan qaaday maamulka Koofur Galbeed in ay ka gacan siindoonaan tayeynta ciidamada iyo taakuleyn toodaba.

Wafdigaan ayaa sidoo kale la filaa in ay la kulmaan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale.