Somali News

Dowlada Itoobiya oo baareyso Saraakiil loo xirxiray Qaraxii ka dhacay dalkaasi

Addis-Ababa-KNN-Dowlada Itoobiya ayaa baaritaan ku bilowday 9 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada amniga ee dalkaasi kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka hortagi waayeen Qaraxii shalay ka dhacay fagaare uu ka khudbeynayay Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed oo dad badan ay isugu soo baxeen.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa loo qab qabtay dad gaaraya ku dhawaad 12 ruux oo 9 kamid ah ay yihiin Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ee dalkaasi, halka dadka kalane ay yihiin dad la sheegay in ay ka dawarsanayeen goobtii uu ka Qarax uu ka dhacay agteeda, kuwaas oo hadda ay ku socoto baaritaano la xiriira ku lug lahaansha Qaraxaasi.

Ra`iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqday qaar ka mid ah Isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay dalkaasi.

Dowlada Itoobiya ayaa bilowday Qaraxaasi kadib howgalo lagu xaqiijinayao amaanka, waxaana sidoo kale dowlada ay hawada ka saartay qaar ka mid ah TVyada dalkaasi.