Uncategorized

Dowlada Itoobiya oo Soomaali-land ku Eedeysay in ay Barakacin ku hayaan Oromada ku nool deegaanadooda.

Itoobiya-KNN-Negeri Lencho  Wasiirka Warfaafinta Dowladda Itoobiya ,ayaa Maamulka Somaliland Waxaa uu ku eedeeyay in 3,000 oo Oromada ay Si Awood ah  uga Qixiyeen  degaannada Waqooyiga ee uu ka arimiyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  sheegay in Oromada lagu bartilmaameedsaday degaannada Maamulka Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,Waxaa uuna  ku baaqay in arrintaas la joojiyo.

Waxaa uu Tilmaamay Wasiirka Warfaafinta in dowladda Federaalka Itoobiya ay waddo baaritaan la xiriira wixii ka dhex dhacay Oromada iyo Soomaalida.

30,000 oo Soomaali iyo Oromo ah ayuu sheegay wasiirka warfaafinta inay  ka  barakaceen labada ismaamul ee Oromada iyo Soomaalida,hayeeshee arrintaasna ay dowladda Itoobiya xil weyn iska saartay Sida uu hadalka u Dhigay Wasiirka Warfaafinta Itoobiya.

Ugu Dambeyntii  43 Qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalada Hawaay ee Oromada Dalka Itoobiya,halkaas oo uu ka dhashay dagaal isir ah oo u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida.

Waxaana jira in Saameyn Arintan  ay ku yeesheen Soomaalida ku nool Deegaanada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.