Uncategorized

Dowlada Kenya oo joojisay Kulan uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur

Nairobi-KNN-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa joojiyay kulan maanta uu qaban lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee dalkaasi.

Siyaasiga ayaa dhawaan dowlada Soomaaliya waxay ka qaaday xayiraad dhanka safarada ah oo saarneed.

Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka hadlay sababta loo joojiyay kulankaas uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur wuxuuna ku tilmaamay in Kenya aysan diyaar u`aheyn in dowlada Soomaaliya looga duula dalkeeda.

Siyaasiga oo dhankiisa arintaan ka hadlay wuxuuna ugu horeyn raaligelin u diray dhamaan shacabkii rabay in ay ka soo qeyb galaan kulankii uu qaban lahaa.

Sidoo kale siyaasiga ayaa yiri”maamulka Farmaajo wuxuu caadeystay in uu hor istaago dadka ka aragti duwan, waxaa xusid mudan in isaga iyo aniga ay qaban jirnay kulamo aan ugu soo hor jeednay dowladii Xasan Sheekh”.

Bishii December ee sanadkii tagay ayaa siyaasiga waxaa hoygiisa ku weerareen ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA kuwaas dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, asigana xabsi dhigay, inkastoo Maxkamada xeragiisa ay laashay oo sharci darro ay ku tilmaantay.