Uncategorized

Dowlada Kenya oo maleeshiyo deegaanka ah dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Muqdisho-KKN-Dowlada Kenya ayaa  bilowday qorshe ay ku dooneyso inay ku adkeyso Amaanka deegaanada dhaca xadka ay lawadaagaan Soomaaliya, Gaar ahaan Gobolka Waaqoy bari ee kenya.

Al-shabaab ayaa Gobolka waaqoy bari ee Kenya waxay ka geysteen weeraro kala duwan oo joogta ah waxaana weeraradaasi ay cabsi xoogan ku abuurtay dadka ku nool Gobolkaasi.

Sidoo kala Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen Iskuullada ku yaalla Gobolka waaqoy bari taas oo sababtay in Macalimiin Ajanabiga ah ay ka baxaan degaankaasi iyo deegaano kale ka dib markii cabsi xoogan ay soo food saartay Barayaashaasi iyo dadka deegaanka.

Ciidamadan ayaa loo bixiyay  Booliska Kenydka Qaranka ee Dalkaasi Kenya waxaana ay hoostagayaan ciidamada Booliska Kenya, iyaga oo ka shaqeynaya amniga degaannada waqooyi Bari ee Kenya.

Kenya waxaa ay sheegtay in ay tababareyso Ciidamo badan oo noocaas oo kala ah si ay ugu hortagaan weerarada Al-shabaab.

Dhisida ciidamadaan ayaa waxaa ka danbeeyay dadka deegaanka oo soo jeediyay in amniga Gobolka waaqoy bari Kenya ay sugi karaan ciidamo ka soo jeeda deegaanka, maadaama ciidamada Kenya ay ku fashilmeen sugida Amniga iyo ka hortaga weerarada ka yimaada  Dagaalamayaasha Al-shabaab.