Uncategorized

Dowlada Kenya oo sheegtay In Dagaalamayaal badan oo Shabaab ah isu Dhiibeen.

Nairobi-KNN=Ku dhawaad 40 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo iska soo dhiibay ismaamulka kilifi ayaa loo qaaday xarumo dhaqan celin oo ku yaalla Mobasa sida ay sheegtay Dowladda Kenya.

Gudoomiyaha Ismaamulka kilifi Magu Mutindika ayaa sheegay in inta ugu badan Dagaalameyaasha iso soo dhiibay ay dhalinyaro u badanyihiin islamarkaana ay si iskood ah iso soo dhiibeen, waxayna ka kala yimaadeen Deegaanadda Malindi, Mambrui, Kilifi iyo  Mtwapa.”

Isagoo qadka tilifoonka kul hadlayay Wargeyska Daily nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayuu sheegay in Doowladda Kenya aysan Dacwad ku soo oogi doonin iyagoo caawimaad usoo doontay.

Mutindika ayaa sheegay in Dhalnyaradda isisoodhiibay ay heytaan Tababar Dagaalka ah, Wuxuu yiri “dhalinyaradaan wiilasha iyo gabdhaha isugu jira waxaa Duufsaday Al-shabaab waxaana u balan qaadeeynaa nolol wanaagsan”

Gudoomiyaha Gobollka Kilifi ayaa ku celiyay Cafiskii Doowladda Kenya ay u fidisay Dadka kasoo goosanaya Al-shabaab, wuxuna sheegay in Dadka dib loogu dari doono.

Dadka deegaanka Kilifi ayaa sheegay in Dhalinyaradaan  ay mudoo ku dhuumanaayeen Deegaanka Malindi si ay uga fogaadaan in la xiro.