Somali News

Dowlada Mareykanka oo ciidamo u diraysa dalka Gabon.

Muqdisho-KNN-Dowlada Mareyknaka ayaa qorsheenaysa in ciidamo milatari ah ay gayso dalka Gabon sda uu sheegay madaxwaynaha dalkaasi Donald Trump.

Mar uu lahadlayay Congress’ka dalka mareykanka jimcihii madaxwayne Trump ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamo geenayaan dalka Gabon kuwaasi oo sugi doona amniga muwaadiniinta mareyknaka  ee halkaasi ku nool.

Udirida ciidamada mareyknaka ee Gabon ayuu ku sheegay madaxwaynha mareykanka in looga gon leeyahay sugidada amniga muwaadiniinta mareykanka kadib markii ay kordheen dibadbaxyada iyo qalalaasaha kasoconaya dalka ay Gabon dariska yihiin ee jamhuuriyada dimuquraadiga Congo.

Ciidamada ugu horeeya ay dowlada mareykanka halkaasi geynayso ayaa gaaraya 80 askari kuwaas oo lafiayo in arbacada soo socoto ay gaaraan dalka Gabon.

Dadaka reer Congo ayaa 30’kii bishii December ee inadhaaftay waxa ay u dareereen doorashooyin uu buuq badan ka dhashay laguna soo dooranayo madaxwaynihii badali lahaa Joseph Kabila, oo dalkaasi maamulayay mudo 18 sano ah.