Somali News

Dowlada Mareykanka oo dib u dhigay canshuuro uu ku kordhin lahaa alaabta Shiinaha

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dib u dhigay canshuuro dheeraad ah uu ku kordhin lahaa alaabta Shiinaha ee loo iib geeyo dalka Mareykanka.


Trump ayaa sheegay in qorshihiisa ay ahayd in 5% uu sara u qaado cashuuraha saaran badeecadaha Shiinaha balse uu dib u dhigay tan iyo 1’ada bisha October taas oo kadhigan in dib loo dhigay mudo labo todobaad ah.


Trump ayaa ku sheegay sababta dib u dhigida in ay tahay codsi kaga yimid masuuliyiinta dowladda Shiinaha.


Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya xilli labada dhinac ay isku diyaarinayaan wadahadalo ay ka yeeshaan muranka ganacsi ee u dhaxeeya.


Bishii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sheegay in uu sare u qaadayo canshuuraha saaran dhamaan badeecadaha Shiinaha iyadoona lagaarsiinayo $250 bilyan.


Dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal ee ugu quwada ween dhanka dhaqaalaha ayaana sara usii kacaya.