Milatariga Masar ayaa bilaabay inay xabsiga dhigaan qaar kamid ah dadka laga cabsi qabo inay hogaamiyaan banaanbaxyo la filayo inay maanta oo Jimce ah dalkaasi ka dhacaan.
Asbuucii lasoo dhaafay ayaa mudaharaadyo dalkaasi ka dhacay looga soo horjeeday Xukuujmada Cabdifatax Al Sisi oo lagu eedeeye musuq maasuq.
Kacdoonkan cusub ayaa todobaadkii hore bilowday kadib muuqaalo uu baraha internetka ku faafiyey nin lagu magacaabo Maxamed Cali oo kamid ahaa mulkiilayaasha shirkadaha Qandaraaska dhismaha ka hela dowlada Al Sisi.
Ninkaasi ayaa baahiyey xogta mashaariicda Dowlada Cabdifatax Al Sisi ay lacagta ku bixiso sida dhismaha Qasriyaasha Qaaliga ah ee loo dhiso Madaxda Militariga iyo Qoyska Madaxweynaha Cabdifatax Al Sisi iyo Marwadiisa xili shacabka Masar wajahayaan dhaqaale xumo iyo sicir-barar.
In ka badan 2-kun oo qof ayey ciidamada amniga xabsiga dhigeen iyagoo ka cabsi qaba banaanbaxyada la filayo inay dhacaan kadib Salaada Jimcaha, waxaa sidoo kale la xakameeyey qaar kamid ah baraha internetka oo ay shacabka ku shekaystaan iyo warbaahinta internetka ee madaxa-banaan.