Uncategorized

Dowlada oo guddi u saartay xaalada fatahaada ee Beladweyne

Muqdisho-KNN-Kadib shir deg deg ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana uu shir guddoominayay Ra`iisul Wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo looga hadlaya saameynta ka dhalatay fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeele ee mara magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dolwada sida xildhibaanno, Guddiga ka hortagga Musiibooyinka Qaranka, Ganacsato iyo Hay’addaha gargaarka bixiya ee ka howgalo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulanka ka hadlay ayaa yiri “dowladda Soomaaliya awoodeeda ayey isugu geyn doonto dadka ka barakacay ee ku dhibaateysan duleedka magaalada Beladweyne”.

Sidoo kale Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda fedraalka Soomaaliya ayaa kulan kale isugu yeeray safiirada dalal saaxibada la ah Soomaaliya u fadhiya, si ay ugu qeyb qaataan musiibada ka taagan magaalada Beladweyne.

Ugu dambeyn shirkaas ayaa lagu magacaabay guddi loo xil saaray wax u qabashada kumanaanka ruux ee ka barakacay magaalada Beladweyene.

Guddigaas ayaa waxaa hor kacaya Ra`iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana la filayaa in sida deg deg ah ugu jawaabaan mashaqada ka taagan duleedka magaalada Beladweyne ee ay ku sugan yihiin kumanaan barakacayaal ah.