Muqdisho-KNN-Wasiir ku-xiggeenka wasaaradda warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay wakaalada wararka SONNA ayaa sheegay in ka badan 12 ka mid ah Al Shabaab in lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.
Duqeynta dhinaca cirka ah ayaa lala beegsaday xalay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Dagaalamayaasha Al Shabaab oo gaarayay 37.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiil shabaab lagu dilay duqeynta, iyadoona Yacquub oo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab, horayna u soo noqday Afhayeenka Al Shabaab uu Ku dhaawacmay. Diyaaraha mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay Ku dilayaan xubnaha Sare Sare ee ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.


