Somali News

Dowlada oo ka hadashay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Dowlada Soomaaliya ayaa faafaahin ka bixisay weerarkii iyo Qaraxyadii labada ahaa ee shalay duhurkii ka dhacaya meel aan ka fogeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiisaka ee xukumadda Soomaaliya  mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ka hortageen Qaraxyadii iyo werarkii ay soo maleegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasiir Daahir wuxuu intaas raaciyay in ay ku amaananyihiin Ciidamada amaanka sidii ugu hortageen Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa kooxda Al-shabaab ay soo qaadeen.

Wuxuu sidoo kale tilmaamaya in dowlada ay xil iska saari doonto dadkii iyo Askartii ay wax yeelada ka soo gaartay Dhacdadaasi.

Qaraxyo loo adeegsaday laba Gaari iyo weerar toos ah oo in muddo ah socday ayaa Al-shabaab shalay waxay ka geysteen afaafka ee madaxtooyada Soomaaliya, iyadoona weerarkaas ay ka hortageen Ciidamada amaanka ee Soomaaliya.