Muqdisho-KNN-Kadib Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka Sooomaaliya ayaa lagu shaaciyay in shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Dowladda Soomaaliya ay yihiin fasax maalmaha ciidda Carrafo.
“Wasaaradda SHaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wareglinaysaa dhamaan hey’adaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa ciidda Carrafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Alla uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.” Ayaa lagu yiri Warkan Qoraalka ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada ee Dowlada Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac
Waxaaan rajeynayaa in dhamaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed ay ku ciidaan farxad iyo reynreyn ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
Munaasabada Ciida Carafo ayaa hada waxaa ka harsan maalmo quro,iyadoona diyaar garow ku aadan arintaasi laga dareemayo suuqyada magaalada Muqdisho.