Uncategorized

Dowlada Qadar oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Wanlaweyn

Muqdisho-KNN-Dowlada Qadar ayaa cambaareysay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Qaraxaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof tiro intaas ka badane ay ku dhaawacmeen oo lala beegsaday goob suuq ah oo lagu iibiyo Qaadka iyo Caano ayaa dowlada Qadar weerarkaas waxay ku tilmaantay fal wuxuushnimo ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada ee dowlada Qadar ayaa lagu yiri “Waxaan si weyn ugu xunahay qaraxaas lala eegtay dad aan waxba galabsan, Alle ha u naxariisto intii dhimatay inta dhaawacantayna Allaha si deg deg ah u bogsiiyo”

Warkaan qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay qarax midkaan oo kala ahaa oo ka dhacay dalka Afgaanistaan.