Muqdisho-KNN-Dawlada Qatar ayaa wadamada beesha caalamka la yiraahdo u soo jeedisay inay ka mid noqdaan dadaalka loogu jiro in Soomaaliya laga xaliyo dhibaatada xag jirnimadu leedahay
Wasiirka arrimaha dibbada dawlada Qatar Suldaan Bin Sacad Al-Muraakhi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baraasalis ee dalka Biljimka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay in la garan istaago oo laga caawiyo xal laga gaaro dhibaatada xag jirinimada sida uu hadal u dhigay si ay dadka Soomaaliyeed u helaan nolol wanaagsan dalkuna u nabadoodobo.
Wasiir Suldaan hogaamiyayaasha beesha caalamka waxaa uu u jeediyay inay door weyn ka qaataan xal u helista xag jirnimada Soomaaliya ka jirta sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in culayska ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed xilligaan haysta uu yahay xag jirnimada haddii xal laga gaarana uu dalka Soomaaliya noqonayo mid cagahiisa isku taaga.
In Soomaalida laga daayo faragalinta nooc kasta si ay loo dhiso hay’adaha dawliga isfahamna u dhex maro dawlada iyo dawlad goboleedyada ayuu soo jeediyay wasiirka arrimaha dibbadda dalka Qatar.
In sidoo kale la kordhiyo taageeradda la siiyo ciidamada midawga Africa ee AMISOM oo dawlada Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al-Shabab ayuu soo jeediyay wasiirka arrimaha dibbadda Qatar Suldaan Bin Sacad.
Wasiirku waxaa uu sheegay in tan iyo markii ay timid dawlada uu hogaamiyo M/weyne Farmaajo in la qaaday tilaabooyin dhawr ah oo dhanka horumarka ah hase ahaatee loo baahanyahay in laga taageero horu u socodsiinta tilaabooyinkaas.
Dhankiisa waxaa uu balanqaaday inay sii wadayaan taageeradda ay siiyaan dawlada federalka ah ee Soomaaliya.
Dawlada Soomaaliya ayaa sanadkii hore diiday inay xiriirka u jarto dawlada Qatar markii ay dhawr dawladood oo Carbeed ay Qatar go’doomiyeen.


