Uncategorized

Dowlada Shiinaha oo lacag ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada dalka

Muqdisho-KNN-Dowlada Shiinaha ayaa dowlada Soomaaliya waxay ku wareejisay lacag dhan 1.5 Milyan oo dollar.

Safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa Wasiirka arimaha dibada ee xukumadda Fedraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku wareejiyay lacagtaas oo dowlada Shiinaha ay ugu tala gashay in wax loogu qabto Qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeele ee mara qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiir Cawad ayaa dowlada Shiinaha ugu mahad ciliyay lacagtaasi ay ugu deeqeen dadka dhibaateysan ee ku barakacay magaalooyinka ka tirsan gobalada Hiiraan, Jubooyinka, Gedo iyo Shabeelooyinka.