Uncategorized

Dowlada Sirilanka oo sheegtay in muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliland la musaafurinaayo

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada ee dalka Sirilanka ayaa lagu sheegeen in muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliland laga masaafurinaayo deegaanada Soomaaliland.

Wasaarada ayaa sheegin sababta ka dambeysa in muwaadiniinteeda laga masaafuriyo deegaanada Soomaaliland, laakiin waxay tilmaameen in Dowlada Sirilanka ay safaarad iyo qunsuliyad midna aysan ku laheen Soomaaliland.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegay in soo celinta muwaadiniinteeda ay kala kaashan doonaan Safaarada dowlada Sirilanka ee magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in laga masaafurinaayo 12 ruux oo u dhashay dalka Sirilanka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u hogaasami waayeen nidaamka shaqaalaha ajnabiga ee Soomaaliland.