Uncategorized

Dowlada Somalia oo Amaro duldhigtay Wasiirada,xildhibaanada labada aqal,Hoteelada iyo Warbaahinta.

Muqdisho-KNN-Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka wasaarada Amniga gudaha  ee Xukuumada soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu fariin adag u diray wasiirada,xildhibaanada labada aqal,kaasi oo ku aadan in ilaaladooda ay u geliyaan dareeska gaar ah, kaasi oo ay sameysay dowlaldda soomaliya.

Dareeskaasi ayaa lagu sheegay in wasiirada iyo xildhibaanada qaar kamid ah ilaaldooda ay u geliyeen ,kuwa kalane haatan laga doonayo in ay u xiraan.

Sidoo kale amarkaan waxaa lagu sheegay in ilaalada masuuliyiinta dowladda soomaliya aysan qaadan Karin wax ka weyn qoriga AK 47.

Wasiirka islow ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday wararka been abuurka ah oo ay baahiyaan warbaaahinta soomalida, isagoona sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono warbaahintii tabisa warar been abuur ah ama ku dhaqaaaqda falkaasi.

Wasaarada Amniga gudaha ayaa sidoo kale  waxaa ay amar culus dul dhigtay Madaxda Hoteelada ku yaala magaalada muqdisho,kaasi oo ku aadan inaan shir lagu qaban Karin hoteelada,islamarkaana tilaabo adag laga qaadi doono.

Amarkan  ay soo soo saartay wasaarada Amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli dono,maadaama ay xusid mudan tahay In mararka qaar ilaaalada madaxda qaar ay mgaalada muqdisho  ku dileen dad shacab ah,iyadoona dhowr jeer ay sheegtay in dowlada Soomaaliya ay arimahaasi wax badan ka qaban doonto.