Uncategorized

Dowlada Somalia oo sheegtay In ay La Wareegeen Qalabka Idaacadi Shabaab ee Andalus.

Muqdisho-KNN= War ka soo Baxay Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowlada ay la wareegeen qalabka idaacad ay leeyihiin          Al-Shabaab oo Andaluus la yiraahdo oo ku taalay Deegaanka Mubaarak ee G/Shabeelaha Hoose.

Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumada Ahna Wasiir ku xigeenka wasaarada Cabdiraxmaan Iidan Yoonis  ayaa waxaa uu warbaahinta u Sheegay in Dowlada Somalia ay la soo wareegtay qalabkii Idaacada Andalus ee Al Shabaab ugu tiilay degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose.

“Waxaa guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in Shabaab la gala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo bur burinta Al-Shabaab,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Iidaan Yoonis.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.