Uncategorized

Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay gantaal xuutiyiinta yamen ay ku rideen Sacuudiga.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arimaha Dibada ee Xukuumada Somalia ayaa looga hadlay Gantaal ay xuutiyiinta Yemen talaadadii aynu soo dhaafnay ku rideen Magaalada Riyaad ee dalka sacuudiga.

War saxaafadeedka wasaarada Arimaha dibada Somalia ayaa lagu cambaareeyay weerarkii gantaalka ahaa ee ay xuutiyiinta ku rideen magaalada riyad waxaana lagu sheegay in dowlada Somalia ay canbareyneyso falkaasi ay ku kaceen xuutiyiinta.

Waa mid muujineysa in xutiyiintu wadan carqaladeyn dhanica amaanka iyo nabad gelyada ah ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Gantaalkaasi ayaa lagu qarxiyay hawada isaga oo aan wax qasaro ah geysan balse bartilmaaml meedka aya ahaa madaxtoyada riyad.

Warka ka soo baxay xukuumada Somalia ee looga hadlay gantaalka ay xuutiyiinta ku rideen sacuudiga ayaa noqonaya mid ay dowlada Somalia ugu muujineyso sacuudiga in ay garab tagan tahay.