Uncategorized

Dowlada Soomaaliya iyo Hay`addaha gargaarka oo maanta ka arinsanaya xaalada fatahaada Beladweyne

Muqdisho-KNN-Kulan deg deg ah oo looga hadlaya xaalada bini`aadamnimo ee ka jirta magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib saameyntii ka dhalatay fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeele ayaa maanta wuxuu ka dhacaya xafiiska Ra`iisul wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galaya dhamaan wasiirada xukumadda iyo Ha`yadaha gargaarka ee ka howlgala dalka Soomaaliya si wax loogu qabto saameynta adag ee haysata kumanaan dad shacab ah oo ka barakacay fatahaada wabiga shabeele ee magaalada Beladweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay musiibada ka taagan magaalada Beladweyne in wax ka qabashadeeda ay tahay mid ka weyn ka maamul ahaan ayaga.

Maanta aaya la filayaa in war ay ka soo saarto dowlada Soomaaliya fatahaada saameysay dadka reer Beladweyne, kuwaas oo ka barakacay gudaha magaalada kuna dhibaateysan daafaha magaalada Beladweyne.