Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo baareyso heshiis lala galay Shirkada SKA

Muqdisho-KNN-Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyneyso heshiis la sheegay in lala galay Shirkad layiyaarho SKA oo laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Shirkadaan ayaa sida wararka qaar ay tilmaamayaan waxaa heshiis la galay mas`uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta xukumada fedraalka Soomaaliya ayaa lagu yiri heshiiskaan lala galay shirkada SKA ma` ahan mid waafaqsan habraaca dowliga ah ee ay dajisay Wasaarada Maaliyada.

Wasiirka Maaliyada Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Dulaace Beyle ayaa yiri “heshiiska nuucaan oo kala ah oo aan waafaqsaneen habraaca iibka Qaran waa mid wax kama jiraan ah.”

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri”Dowlada waxay bilaawday baaritaan ku aadan heshiiskaan sida uu ku yimid iyo habraaca loo maray”

Gaba gabadii warsaxaafadedkaan ayaa lagu yiri natiijada ka soo baxda baaritaanka heshiiskaan waxaan hor keeni doonaa shirka ugu horeeya ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada.

Halkan hoose  ka Akhriso War-saxaafadeedka