Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo hal danjire u magacaawday laba dal oo Afrika ah

Muqdisho-KNN-Dowlada Soomaaliya  ayaa laba dal oo ku yaala qaaradaan Afrika u magacaawday hal Danjire oo ah Ambassador Jamaal Maxamed Barrow oo horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koofur Afrika oo isaga xilkaas haya hadane loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Zimbabwe.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa Ambassador Jamaal ka gudoomay waraaqaha safiirnimo ee dlkaasi, wuxuuna sidaasi ku noqonayaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Koofur Afrika iyo Zimbabwe.

Dalka Koofur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ku dhibaateysan yihiin Soomaali badan kuwaas oo wadankaasi lagu wax yeeleeyo, inta badana aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka ay la kulmayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika.