Somali News

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Howl-wadaag.

Muqdisho-KNN-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Aadan Isaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerar naftii halignimo ah oo barqadii maanta Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Aadan Isaaq,Wasiir ku-xigeenka  ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay Falkii guracanaa ee argagixisada Al-Shabaab maanta la beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid (Beytka Allaah) iyo Xarunta degmada Howlwadaag oo ah goob Bulshada loogu adeego.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa Falkii guracanaa ee Ururka argagixisada Al-Shabaab maanta ay ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego,xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada Al-Shabaab dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Sidoo kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarka Wuxuushnimada ah Argixisada Al-Shabaab ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan tirada saxda ah ee waxyeeloowday.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Duqsi Qur’aan dhannoo dumay iyo Masaajid dumay,hadda aan idin la hadlayo laamaha ammaanka iyo Saraakiisha caafimaadka waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ah sidii loo soo saari lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badana waan idinkula soo wadaagi doonaa Hadduu Illaah yiraahdo,”