Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo la filiyo in ay war ka soo saarto Xiiasada ka taagan Beladxaawo.

Muqdisho-KNN-Xiisada ka dhalatay damaca Kenya ee ka galay dhulka Soomaaliyeed ayaa ah mid laga sugayo in ay ka hadasho dowladda fedraalka Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu tan iyo xalay waday kulamo uu la qaatay qaar kamdi ah Golahiisa wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisal waraasaha ayaa la tilmaamay in kulamada uu la qaatay kulamada uu ka mid ahaa Wasiirada Arimaha gudaha, Wasiirka arimaha dibadda ee xukumada Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada waxa ayna diirada ku saareen sida ay ku wajahi karaan dhulka soomaaliyeed ee ay Kenya darbiga ka dhiseyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, islamarkaana shacabka ay arintaasi aad ugu walaacsan yihiin.

Xukuumada Soomaaliya ayaana lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay war rasmi ah ka soo saarto xadgudubka Kenya ay ka wado degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.