Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku soo bandhigtay nin ka tirsanay kooxda Daacish

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Jaamac Xuseen Xasan oo ay sheegeen in uu ka tirsanay Kooxda Daacish.

Jaamac ayaa ka dagaalamay wadamada Suuriya iyo Iraaq asigoo ka tirsan kooxda Daacish, laakiin markii dambe u soo wareegay Daacishta Soomaaliya ka dagaalanta gaar ahaan deegaanada Puntland.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in uu horay ugu tirsanay kooxda Al-shabaab.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ninkaan gacanta lagu soo dhigay asigoo aasayay miino.