Somali News

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in la yareynayo Iskuulada tirada badan ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wasiirka Qorsheynta iyo  Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan oo maanta ka qeyb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo Waxbarashada dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho  ayaa si qoto dheer ugu hadlay Waxbarashada iyo qorshaha dowlada ugu dagan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ku yaalaan iskuulo waxbarasho oo tiro badan, kuwaas oo tayadooda waxbarasho aysan gaarsiisaneen heerkii looga baahnaa xiligaan.

Sidaas daraadeedna ay dowladu bilowday qorshe ay arimahaas ay wax ugu qabaneyso, wuxuuna sheegay inay jiri doono in la yareeyo iskuulada tirada badan ee magaalada Muqdisho ku yaala.

Wasiirka Qorsheynta iyo  Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan ayaa yiri ” baaritaan ay sameysay Wasaarada Qorsheynta waxaan ku ogaanay in dadka Soomaaliyeed 40% ay wax aqrinkaraan waxna qori karaan, halka 90%  dadka Soomaaliyeed ay fursad u heli karaan in ay waxbartaan sidaas daraateedna sanadka 2020ka Qorshaha dowlada u dagan in uu yahay in dadka wax qorikara waxna aqrin kara in la gaarsiiyo heer aad u sareeyo”.

La soco wixii ka soo kordha shirka caalamiga ah ee hadda ka soconaayo magaalada Muqdisho oo loogu hadlayo Waxbarashada iyo hadalada mas`uuliyiinta ka qeyb galaya ay jeedinayaan.