Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo shir muhiim ah maanta ka furaysa Kismaayo.

Kismaayo-KNN- iyadoo Shalay Magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland uu Gaaray Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo federaalka ee Xukumada Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid “Juxa” ayaa lagu wadaa in maanta uu halkaas Shir looga hadlaayo dhismaha Golayaasha deegaanka uu ka faro.

Wasiir Juxa ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in uu Magaalada Kismaayo ka furo Shirkaasi oo ay ka qeyb galayaan Maamul Gobaleedyada.

Wasiirka ayaa shalay gaaray Kismaayo, waxaana xalay uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland iyo sidoo kale Wasiiro ka tirsan maamulkaasi.

Shirka Dhismaha goleyaasha degaanka ayaa horay loogu qabtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.