Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii ay tababartay Dowladda Imaaraadka.

Muqdisho-KNN-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dhamaan ciidamadii ay taba bartay dowlada Imaaraadka, kuwaas oo dowlada Imaaraadka ay gacanta ku haysay kadib taba barkii ay siisay.

Munaasabad ay dowlada Soomaaliya ay kula wareegtay ciidamadaas ayaa ka dhacday xerada Janaraal Gordan oo hadda loo bixiyay xerada Daljir ee magaalada Muqdisho.

Waxaana munaasabadaas ku sugnay saraakiil ka socday Imaaraadka ee wareejinayay ciidamadaasi iyo xubne kale oo ka socday dowlada Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga xukumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horay u balan qaaday in dowlada Soomaaliya ay la wareegi doonto ciidamada ay gacanta ku hayso dowlada Imaaraadka.

Amaanduulaha ciidamada xooga dalka Cabdulaahi Cali Caanood oo ka hadlay munaasabada ay dowlada Soomaaliya ay ku wareegeysay ciidamada ayaa yiri” Waxaa nagula wareejiyay dhamaan ciidamadii ay taba bartay Imaaraadka, saanad iyo gaadiid dagaal”.

Dowlada Imaaraadka ay horay u sheegtay in ay joojisay taba baradii ay siin jirtay ciidamada dowlada Soomaaliya, waxaana wanaagsaneen xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.