Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo talaabo u qaaday in laga cafiyo deynta lagu leeyahay

Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay  magaalada Muqdisho ayaa waxaa si qotodheer ugu hadlay canshuurta dalka, isagoona Sheegay in ay wadaan qorshihii lagu mideyn lahaa canshuurta laga qaado shacabka ku nool guud ahaan dalka, isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in Wasaaraddiisa ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha dalka.

Sidoo kale waxaa uu Wasiirka maaliyada sheegay in imtixaankii ugu dambeeyay laga qaadi doono soomaaliya, si loogu cafiyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, arintan ayuu sheegay wasiir Beyle in ay ku xiran tahay in la hagaajiyo Maamul wanaaga iyo sidii loo mideyn lahaa canshuurta dalka iyo arimo kale.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay fatahaada xiligan ka taagan magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan.

Wasiir beyle waxaa uu sheegay inuu aad ugu xun yahay dhibaatada ka taagan Baladweyne.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in hadii soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay in ay dowlada sameyn doonto sidii arimahaasi ay wax badan ugu qaban lahaayeen.

Sanadkii tagay ayay aheyd markii Dowlada Soomaaliya  ay Beesha caalamka kalsooni dheeraad ah u muujiyeen Soomaaliya,kadib markii xukuumada Soomaaliya ay hagaajisay nidaamka Daah furnaanta  ee Howlaha Xukuumada si looga cafiyo deymaha dalka lagu leeyahay,Waxaana wasirka Maaliyada Soomaaliya uu sheegay in dhowr tijaabo marayo sidii Soomaaliya looga cafin lahaa  deymaha  lagu leeyahay.