Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo Wadamada Caalamka ku eedeeysay inay gurtaan kheyraadka Badda ee Soomaliya.

Muqdisho-KNN-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ethiopia u fadhiya Maxamed Cali Nur oo wareysi siiyay wakaalada wararka Anadol ayaa sheegay in Dowladaha Yurub iyo Asia ay dhac xoogan ku hayaan kheyraadka kallunka Badda Soomaaliya iyagoo sheeganaya inay ka wadaan howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalidyeed.

Safiir Maxamed Cali Nur ayaa u soo jeeday xukuumadda Soomaaliya in arimahaan dhami looga bixi karo in la xoojiyo ciidamada badda Soomaaliya si looga hortago xadgudubyada ka dhacaya biyaha Soomaaliya gaar ahaan kheyraadkeedi.

Wareysiga isagoo sii wata waxa uu tilmaamay in kheyrdka kalluunka laga soo saaro ay faaido badan ugu jirto Somalia hadii sidii larabay looga faaideysto.

Tusaale waxa uu usoo qaatay Turkiga oo rajo wanaagsan ka qaba inuu suuq wax soo saar ah ka furto Soomaaliya ayna uga faaideysan doonan in ay u iib geeyaan suuqyada kale ee caalamka.

Tan iyo bishii December 2008 ciidamada Midowga Yurub oo wata magaca Atlanta ayaa ka sameeyay xeebaha Soomaaliya iyo biyaha gobolka howlgallo looga hortagayay dhaq dhaqaaqyada burcad badeeda.